Iyadoo dhawaan ay iscazilaan waziirka gaashaandhiga iyo taliyaha maleeshiyaatka xooga ee dowlada Ridada waxaa arintaasi ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.
Nabadoon Ismaaciil Haaruun oo ah afhayeenka odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo la hadlay Warbaahinta Islaamiga ayaa sharaxaad ka bixiyay iscazilaada xubnaha dowlada Ridada iyo waxa xilligaan kusoo aadiyay.
Nabadoonka ayaa xusay in iscazilaadaasi ay muujineysa sida ay u fashilantay dowlada uu madaxweynaha ka yahay Murtad Farmaajo,waxa uu intaasi Nabadoonka ku daray in iscazilaadaasi ay timid kadib markii maleeshiyaatka dowlada si ba,an loogu xasuuqay weerarkii Bariire iyo weeraro kale oo ka dhacay qeybo ka mid ah Konfurta Somalia.
Halkan Ka Dhageyso Nabadoon Ismaaciil Haaruun.
Calamada.com