Odayaasha dhaqanka gobalka Shabeelada dhexe waxey gurmad ballaaran gaarsiiyeen magaalada Ceelbuur oo dhowr todobaad ka hor ay isaga carareen ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Odayaasha Dhaqanka gobalka Shabeelada dhexe oo la hadlay Idaacadda Diiniga ah ee Alfurqaan ayaa xusay in gurmad ballaaran ay lasoo aadeen magaalada Ceelbuur.
Gudoomiyaha odayaasha dhaqanka Shabeelada dhexe nabadoon Sheekh Cali Biyow Gaafow ayaa carabaabay in magaalada Ceelbuur ay keeneen gaadiid ay ku raranyihiin qalab dhismo gurmadkaasi oo ah mid ay iska soo uruuriyeen qeybaha bulshada gobalka Shabeelada dhxe.
Odayaasha dhaqanka magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa dhankooda si aad ah usoo dhaweeyay gurmadka ballaaran ee kaga yimid walaalahooda odayaasha dhaqanaka Shabeelada Dhexe.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiyada Odayaasha Dhaqanka.
Calamada.com