Idaacada Islaamiga ah ee Andalus waxey baahisay wareysiyo ay la yeelatay qaar ka mid ah dadkii shacabka ee waxyeelada ay kasoo gaartay duqeymihii arxan daro ee habeen hore diyaaradaha dowlada Nasaarada Mareykanka ay ka geysteen deegaan ay deganyihiin dad shacab reer Mii ah oo ku yaala duleedka magaalada Kismaayo.
Dadka la wareystay waxey isugu jiraan qaar ka mid ah eheladii caruurtii ku dhimatay duqeynta,dadkii xoolahooda ay ku baaba,een duqeynta iyo waxgaradka dadka deegaankaasi.
Dadkan ayaa si aad ah u faahfaahiyay sidii ay u dhacday duqeyntii arxan darada iyo xasuuqii diyaraadaha Mareykanka ay ka geysteen deegaanka Qabri-shariif oo dhaca duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiyada Dadka Deegaanka.
Calamada.com