Weerar qorsheysan oo ka dhacay gudaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan maamulka dowlada Ridada ugu magacaaban degmada Hodan.
Sarkaalkan waxey ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dileen agagaarka Masjidka Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan kaasi oo ragga hubeysan ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka.
Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Ibraahim waxa uu ka mid ahaa gudoomiye Waaxeedyada maamulka Farmaajo ugu magacaaban degmada Hodan magaalada Muqdisho.
Dilka sarkaalkan waxa uu kusoo aadayaa xilli saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmada Dharkenley lagu weeraray gaari uu la socday gudoomiye ku xigeen maamulka Ridada ee degmada Dharkenley kaasi oo la xaqiijiyay in si dirqi ah kaga badbaaday weerarka basle waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday darawalkiisa iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah.
Sidoo kale weerar maalin ka hor ka dhacay deegaanka Wadow ee duleedka Muqdisho waxaa lagu dilay taliyihii maleeshiyaatka Nabadsugida ee deegaanada Tareedisho iyo Kax-shiikhaal ee duleedka magaalada Muqdisho.