Kadib markii qaar kamid ah degmooyinka iyo degaanada gobolka Sh/hoose saameyn ku yeesheen abaaraha, ayaa wuxuu maamulka gobolku billaabay tallaabo uu dadkaasi ugu gurmanayo oo dhowr marxaladood ka kooban.
Ugu horreyn wilaayada ayaa waxay magacawday guddi heer gobol ah oo shan xubnood ka kooban, si ay marka hore xaaladda usoo qiimeeyaan.
Guddiga ayaa si degdeg ah u guda galay hawsha, isgaoo ku wareegay gobolka, siiba meelaha uu jiilaalku saameeyay, waxaana usoo baxday iney lagama maarmaan tahay in shan degmo looga hawl galo sida ugu dhaqsiyaha badan, kuwaasoo kala ah:
Baraawe, Kurtunwaarey, Qoryooley, Tooratoorow iyo Wanlaweyn, waxaana xusid mudan in guddigu ay had iyo goor dersayeen, nolosha dadka, inta ay la eg tahay baahida biyaha, xaaladda waraha, nolosha xoolaha iyo faydhowrka guud.
Maalintii shalay oo Jimco aheed waxey Wilaayadu raashiin kala duwan u qeybisay 176 qoys oo isugu jira dad ay abaaruhu soo bara-bixiyeen iyo kuwa tabaaleysan oo degaanka ku nool.
Halkan Ka Dhageyso Raashiin Qeybinta.
Calamada.com
U gurmada xagaad garab gashaan gooriyo ayaane
Gaarsiiya biyihiyo cuntada goomanaha baahan
Gargaaruhu Ilaah weeye oo gacanti way nayde
Gamaan kiyo Yaxoob Sade lo diyo gaabanow Ariye
Gacmo Maran ku wii hayn jaray galabta joogaane
Gaban gaab say koran in badan kurusku gayf naaye
Gucle orodka wiilashii yaqiin gaabshe socod kiiye
Gacal waa shabaab oo quriyo geeshka tawxiide
Geesiyada islaam kow kocoo biyaha gaadh siiya
Gaal kiyo cawaan kiis malahan Aadmi garad kiiye
Guulaysta yaalow kocoo gaara shacab kiina