Maamulka Islaamiga Degmada Galhareeri ee Wilaayada Islaamiga Galgaduud ayaa gudaha degmada Galhareeri ka hirgaliyay Suuq Cusub oo Ganacsi.
Suuqaan oo ah mid u furan ganacsiga qeybihiisa kala duwan waxa uu maamulka degmada ka hirgaliyay dhanka Waqooyi ee magaaladaasi.
Bulshada ku dhaqan degmada Galhareeri gaar ahaan ganacsatada oo la hadlay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa sheegay iney baahi weyn u qabeen hirgalinta suuqa Tawakal si weyna ay usoo dhaweynayaan suuqa cusub.
Ganactada waxey intaasi ku dareen ineysan jirin wax kiro ah oo laga qaadayo ganacsatada suuqa cusub ee goobaha ganacsi ka furtay suuqa ,iyadoona maamulka Islaamiga ee Galhareeri uu ganacsatada u nidaamiyay islamarkaana u kala cabiray goobaha ay ku ganacsanayaan.
Halkan Ka Dhageyso Ganacsatada Suuqa Tawakal Ee Galhareeri.
Calamada.com