Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga waxaa Labo Maalin ka hor ku geeriyooday Allaah ha u naxariista Sheekh Dr Saciid Bin Cali Bin Wahfi Al-qaxdhaani oo ah Sheekhii Allifay Kitaabka aadka u qiimaha Badan ee Xisnul Muslim oo ah Kitaab uu Sheekha kusoo aruuriya Adkaaraatka soo arooray.
Sheekha ayaa ku geeriyooday Da’da 67 Sano Jir,waxa uuna muddo dheer la xanuunsanayay Cudurka Kansarka oo ugu dambeyntii Saaka uu u geeriyooday.
Sheekha geeriyooday ayaa Allifay Kutubo Iyo Risaalooyin Boqol ku dhaw oo ay dadka Muslimiinta si aad ah ugu faa’ideen waxaana ugu caansan Kitaabka Xisnul Muslim.
Halkan Ka Dhageyso Taariikhda Sheekh Dr Saciid Bin Cali Al-qaxdhaani.
Calamada.com