Taliyaha ugu sareeyo ciidamada Kufaarta Afrikaanta ee duulaanka ku jooga qeybo ka mid ah Konfurta iyo Bartamaha dalka Somaliya ninka lagu maagacaabo Jenaraal Cusmaan Nuur Subagle ayaa ka hadlay xaalada adag ee ciidamada Shisheeyaha ku heysata gudaha dalka Somaliya.
Taliyahan oo Jabuutiyaan ah ayaa qiray in hadii ciidamo meel u diraan qaar badan oo ciidamadaasi ay dhimanayaan oo lagu dilay weerarada kala duwan ee sida joogtada ah kaga yimaada dhanka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Subagle waxa uu sidoo kale qiray in degmooyinka iyo deegaanada Shisheeyaha ay kaga sugan yihiin dalka Somaliya ay yihiin kuwoo go’doonsan oo ay ku hareereysanyihiin ciidamada Xarakada Alshabaab.
Taliyaha ciidamada Soo duulay waxa uu ku calaacalay ineysan kala saari karin dadka shacabka iyo Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Sidoo kale Subagle waxa uu carabaabay iney dhibeyso in maalin walbo askari Ajnabi oo dalkiisa isagoo nool laga keenay dalkiisa dib loogu celiyo isagoo meyd ah.
Hadalkan calaacalka ah ayuu Subagle ka jeediyay kulan tababar loogu soo xirayay xildhibaanada maamulka gaala raaca isku magacaabay Hir-shabeelle.
Halkan Ka Dhageyso Taliyaha Shisheeyaha Soo Duulay.
Calamada.com