Iyadoo saacadahii lasoo dhaafay Madaxweynaha dowlada Ridada federaalka uu magacaabay R/wasaaraha maamulkiisi kaasi oo u magacaabay ninka lagu magacaaba Xasan Cali Kheyra ayaa arintaasi waxaa ka hadlay beesha Mursade oo ah beesha uu ku abtirsada R/wasaaraha la magacaabay.
Ugaaska guud ee beesha Mursade Ugaas Cabdullaahi Daahir Axmed oo la hadlay warbaahinta waxa uu si kulul u weeraray ninka loo magacaabay R/wasaaraha kaasi oo ah nin ku abtirsada beesha uu isaga ugaaska u yahay.
Ugaaska ayaa carabaabay in ninka loo magacaabay R/wasaaraha uu yahay nin daba dhilif ah oo muddo u shaqeeynayay dowlada Gaalada caalamka’waxa uu sidoo kale intaas ku daray in ninkan uu yahay Khaa’in Taariikh xun ku dhex leh gudaha shacabka Soomaaliyeed qeybna ka ah olalaha dowlada Nasaarada Kenya lagu siinayo Badda Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Ugaaska Guud Ee Beesha Mursade.
Calamada.com