Dadka ku dhaqan degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa ka hadlay duqeymo wuxuushnimo oo xaley diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ka geysteen deegaankooda, Iyagoona gurmad iyo taakulo u fidiyey qaar ka mid ah qoysaska ku guryo beelay duqeyntaasi.
Daqiiqado un ka dib markiia y duqeyntu dhacday, Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa booqatay goobaha ay beegsadeen diyaaradaha, halkaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah oo gurmad u fidinayey dadka ku waxyeeloobay duqeynta.
Wariye Idaacadda Andalus Maxamed Amiin Sheykh Cabdullaahi ayaa microphone-ka la dhex qaaday qaar ka mid ah dadweynaha oo ay ku jiraan kuwa guryahooda ku waayey duqeynta iyo kuwa kale oo si dirqi ah kaga bed-baaday.