Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Ehelada Aabo Waayeel ah iyo Wiil xanuunsan oo labo maalin ka hor ciidamada Xabashida Itoobiya ku dileen deegaanka Beerxaano oo ah deegaan dhaca wadada isku xirta degmooyinka Beledweyne iyo Halgan oo ka wada tirsan gobalka Hiiraan.
Faadumo Axmed waa gabar uu dhalay aabaha 83 jirka ah ee Xabashida Itoobiya ay dileen’waxeyna Andalus u xaqiijisay in aabaha uu waayeel ahaa wiilkana uu ahaa ruux lug iyo gacan naafo ka ah.
Sidoo kale waxey intaasi ku dartay in aabaha iyo wiilka dhowr xabadood kaga taalo madaxa’gacanta iyo qeybo badan oo jirka ah’waxey carabaabtay in aabaha Xabashida Kufaarta Itoobiya ay ku dul dileen siriirtii uu jiifay.
Calamada.com