Wariyaal ka tirsan Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa booqasho ku tagay xeradii Ceelcadde ee sida ba’an loogu xasuuqay ciidamada Nasaarada Kenya.
Wariye Cabdi Wahaab Bukhaari oo ka mid ah Wariyaasha Andalus ee booqday xerada ayaa si faahfaahsan kaga warbixiyay xaalada xerada Ceelcadde oo sanad iyo lix bilood ka hor lagu xasuuqay askarta Kenya.
Bukhaari oo ku dhex jira gaari Taangi ah oo ka mid ah gaadiidkii askarta Kenya looga gubay dagaalkii Ceelcadde ayaa carabaabay in wali xerada dhex yaalaan gaadiidkii Kenya looga gubay sidoo kale ay wali dhisan yihiin difaacyadii Nasaarada Kenya ee xeradaasi walow burbur xoogan uu ka muuqda difaacyadaasi.
Xerada Ceelcadde ee gobalka Gedo waxaa booqasho ku tago dad ka kala yimaada wilaayaatka dalka kuwaasi oo doonayo iney kusoo indho qabowsadaan oo ay dul tagaan difaacyadii sida ba,an loogu xasuuqay askarta Kenya ee xerada degmada Ceelcadde.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Wariye Bukhaari.
Calamada.com