Wararka laga helayo degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay waxey sheegayaan in duleedka degmadaasi uu dhacay weerar khasaara lagu gaarsiiyay maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.
Weerarkan waxa uu ka dhacay deegaanka Daynuunaay oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Baydhabo,iyadoona warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerarkaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in weerarkaasi oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin lagu dilay hal askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kaasi oo meydkiisa ay goobta kaga carareen maleeshiyaatka Shariif Sakiin.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Andalus.
Calamada.com