Kulanka oo ahaa mid socday muddo 8 maalmood ah ayaa looga hadlayay dagaallo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaano dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.
Dagaallada oo u dhaxeeyay maleeshiyaad katirsan Maamulka Axmed Madoobe oo kasoo jeeda Beesha Cowramale iyo Xarakada Al Shabab ayay ugu dambeyn beesha Cawramale ku dhawaaqday in ay ka dhantahay maleesiyaadka Maamulka ‘Jubbaland’ iyo ciidanka shisheeye.
Beesha Cowramala ayaa wilaayada Islaamiga Jubbooyinka la saxiixatay heshiis ka kooban illaa 11 qodob oo dhammaantood ku saabsan colaaddii ka dhacday galbeedka Kismaayo.
Salaadiin iyo Waxgarad katirsan Beesha Cowramale oo heshiiska saxiixay ayaa sheegay in ay go’aan adag ka qaateen dagaallada duleedka Kismaayo oo baaritaan dheer kadib ay ogaadeen in ay cadaw shisheeye soo abaabulay ujeedka laga lahaana uu ahaa in lagula dagaallamo ku dhaqanka shareecada islaamka.
Sheekh Max’med Abuu Cabdalla waaliga Jubbooyinka oo kulanka khudbad dheer ka Jeediyay ayaa sheegay in dhankooda ay fulin doonaan qodobada heshiiska isagoona beesha Cowramale ugu baaqay in ay kasoo baxaan ballanta ay lagaleen Shabaabul Mujaahidiin.