War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska waaliga wilaayada Islaamiga Jubbooyinka Sheekh Max’med Abuu Cabdalla ayaa lagu mamnuucay ugaarsi sharci darrada ah ee xayawaanaatka duur joogta qeybahooda kala duwan.
Wilaayada Islaamiga Jubbooyinka waxay sheegtay in ciddii lagu helo iyadoo si sharci darra ah ugaaranaysa xayawaanaatka tallab shareecada Islaamka waafaqsan laga qaadi doono.
Magaalada Jilib waxaa lagu xanaanaynayaa tobaneeyo katirsan xayawaanka libaaxa iyo duur joog kale oo lagasoo dhiciyay dad si sharci darra ah uga ugaarsanayay dhulka howdka ah ee Jubbooyinka.
Maamulka Islaamiga Jubbooyinka wuxuu sheegay in aan la ogolayn in xayawaanka duur joogta ah la nabaad guuriyo oo laga ganacsado, dad ku lug lahaa dabar goynta xayawaanaatka ayaa gacanta lagu dhigay halka kuwa kale laga masaafuriyay Jubbooyinka.
Halkan Ka Dhageyso Amarka Kasoo Baxay Wilaayada Jubbooyinka.
Calamada.com