Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey saaka si buuxda ula wareegeen deegaanka Bariire oo ah deegaan istiraatiiji ah oo dhaca duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeelada Hoose.
Dadka deegaanka ayaa isugu soo baxay wadooyinka deegaanka iyagoona si weyn oo farxad ku dheehantahay usoo dhaweeyay ciidamada Mujaahidiinta ee la wareegay gacan ku heynta deegaankaasi.
Sidoo kale dadka deegaanka ee markii maleeshiyaatka Murtadiinta oo ay kaabayaan ciidamada Nasaarada Mareykanka duulaanka ku qabsadeen deegaanka isaga barakacay deegaanka kuna sugnaay tuulooyinka hoostaga deegaanka ayaa saaka bilaabay iney Bariire dib ugu soo laabtaan.
Mudadii maleeshiyaatka Bangarafta ee Murtadiinta ah ay ku sugnaayeen deegaanka waxey dadka shacabka u geysteen dhibaatooyin kala duwan sida xasuuqii ciidamada Mareykanka kula dhaqaaqeen Toban ruux Beeraley ah oo caruur ay ku jirta.
Sidoo kale maleeshiyaatka dowlada waxey dileen tiro kale oo dad shacab ah waxeyna boobeen goobaha ganacsiga ee deegaanka iyagoona guryo fara badan dab qabadsiiyay.
Halkan Ka Dhageyso Xaalada Bariire.
Calamada.com
wankahumahay in marwalbaba ay qabsadan