Waxaa sii xoogeystay dibad baxyada looga soo horjeeda maamulka Tigreega ee xooga ku heysta talada dalka Itoobiya,iyadoona dibadbaxyadu ay ku sii fideen magaalooyin hor leh.
Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay shaqo joojin dhawaan ay ku baaqeen hogaanka xoogaga mucaaradka ee hogaaminayo dibad baxyada ka dhanka ah maamulka Tigreega.
Shaqo joojinta oo ay ugu tala galeen xoogaga mucaaradka in lagu wiiqo awooda dhaqaalaha Itoobiya ayaa soconeysa muddo Shan maalmood oo xiriir ah,iyadoona dagaalo culus oo u dhaxeeya xoogaga mucaaradka iyo ciidamada maamulka Tirgeega ay ka dhaceen deegaano ka tirsan gobalada ay dagaan Amxaarada iyo Oromada.
Saraakiisha Mucaaradka ayaa ugu baaqay ciidamada iyo saraakiisha daacada u ah maamulka Tigreega iney isa soo dhiibaan waxeyna ballan qaadeen in la nabad galinayo sarkaal walbo ama askari walbo oo kacdoon wadayaasha isku soo dhiiba.
Halkan Ka Dhageyso Xaalada Itoobiya.
Calamada.com