Allaah hasoo daaye Sheekh Aadan Sunne ayaa ku xanuunsanaya Xabsi kuyaal deegaanka Mandheera ee duleedka magaalada Hargeysa.
Sheekh Aadan oo aan wali wax maxkamad ah lasoo taagin xukunna uusan ku dhicin ayay saraakiisha Maleeshiyaadka RRU waxay ku hayaan xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Mandheera wuxuuna wajahayaa xaalado caafimaad oo aad uliita.
5 Bishii September Mudo hadda laga joogo 7 Bilood waxaa ciidamada Maamulka isku magacaabay Soomaaliland ay Xabsiga dhigeyn Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Suni) oo ka mid ah Culumada Magaalada Hargeysa ee caanka ah.
Laamaha ashahaadda ladirirka Somaliland ayaa Sheekha ku eedeeyay in uu waday falal la xiriira amnidarro iyo in uu sameeyey falal wax u dhimaya jritaanka ‘Somaaliland’,isaga oo abaabulay dhalinyaro qorsheynayay falal lidi ku ah amniga sida ay hadalka u dhigeen.
Qaar ka mid ah Ehellada Sheekh ayaa waxa ay ugu baaqeen Muuse Biixi in uu xurriyadiisa siiyo ,iyaga oo ka deyriyay Xaalada Caafimaad ee Sheekh Aadan Sunni.
Ehelladu waxay sheegeen in waxa sheekh Aadan lagu heysto ay yihiin gardarro ah islamarkaana sidii xoolaha oo kale loo bahdilay islamarkaana uusan helin wax cadaalad ah, waxay soo hadal qaadeen in sheekh Aadan uusan wax dambi ah gelin kaliya uu ahaa wadaad xur ah oo diinta islaamka sida ay tahay umadda ugu sheegi jiray.
Sheekh Aadan Sunni ayaa ka mid aha dadka aad u dhaliilayay Siyaasadda uu wax ku maamulayay Madaxweynihii xilka baneeyay ee Maamulka “somaliland’ Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu sidoo kale umadda u iftiimin jiray dabadhilifnimada maamullada soomaaliya ka jira ee la shaqeeya dowladaha Kenya iyo Itoobiya
Halkan ka degso ehelka Sheekh Aadan oo warbaahinta lahadlaya ama Hoos Ka dhageyso
Xigasho: Somalimemo.net