Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan xizbiyadda siyaasadda ee dalka Kenya ayaa ku baaqay in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya, maalma un ka dib markii uu dhacay weerarkii lagu hoobtay ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku qaaday xeradii ciidamada saliibiyiinta Kenya ee deegaanka Kulbiyow.
Xogayaha guud ee xizbiga Dimuquraadiga ee dalka Kenya Jocob Hajji ayaa war saxaafadeed uu soo saaray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta kaga dalbaday in si deg deg ah ciidamadooda looga soo saaro Soomaaliya, Isagoona tilmaamay in ciidamada Military-ga ay tobaneeyo askartooda ka mid ah ku waayeen weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Kulbiyow.
Wuxuu tilmaamay in weerarkii ugu dambeeyey uu ka argigixiyey dad badan oo Kenyan ah, uuna keenay in shaki iyo su’aallo la geliyo awoodda ciidamada Kenya u leeyihiin in ay sii wataan howlgalkooda Military iyo dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya.
“Dadka Kenyaatigu wey ka daaleen wararka ku saabsan dhimashada ee Askartooda ka soo gaaraya weerarada ay kala kulmayaan argigixisada ee ku qabsanaya wadamo aysan iyagu lahayn†ayuu yiri Jocob, isagoona sheegay in ay lagama maarmaan tahay in dib u eegis lagu sameeyo sii joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.
Dhanka kale, Siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Wycliffe Oparanya ayaa isna sidaas si la mid ah ku baaqay in ciidamadooda laga soo saaro Soomaaliya, Isagoona sheegay in hadda la joogo waqtigii ciidamadooda laga soo daadgureyn lahaa Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Kenya ay weysay askar badan tan iyo markii uu bilowday duulaankii ay ciidankooda ku galeen Soomaaliya.
“Waxaan taageerayaa in ciidamadeena laga soo saaro Soomaaliya. Askar badan ayaa ku weynay dagaalada ka socda Soomaaliya, mana dooneyno in arintan ay sii socoto†ayuu yiri. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu dowlada Kenya ka dalbaday in ay diyaariso istaraatiijiyad ciidanka looga soo saarayo Soomaaliya.
Ra’isul Wazaarihii hore ee dalka Kenya, ahna hogaamiyaha mucaaradka ee dalka, Raila Odhinga ayaa isagana dhankiisa taageeray qorshahan wuxuuna sheegay in qorshahan ay ku cadaadin doonaan xukuumada Kenya.
Xildhibaanka lagu magacaabo Benjamin Washiali oo isna laga soo doorto magaalada Mumias ee galbeedka dalka Kenya ayaa Raila Odhinga iyo mucaaradkaba ka dalbaday in ay xildhibaanadooda ay ka dhaadhiciyaan sidii arintan lagu hor keeni lahaa baarlamaanka, go’aana looga gaari lahaa.
“Go’aankii lagu ansixinayey in lagu duulo Soomaaliya waxaa meelmariyey baarlamaanka dalka Kenya, Sidaas darteed mucaaradku waa in uu hadda xubnaha kaga jira baarlamaanka ka dhaadhiciyaa sidii baarlamaanka loo hor keeni lahaa qorshaha ah in ciidankeena aan ka soo saarno Soomaaliya, go’aanku ma ahan talaabo uu qof kaliya qaadi karo†ayuu yiri.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta.
Calamada.com