Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka weerar xoogan kula jarmaaday saldhig Maleeshiyaatka Murtadiinta ku leeyihiin degmada Balad-Xaawo ee Wilaayada Gedo.
Weerarkan oo ahaa mid si heersare ah loo soo qorsheyeeyey ayaa ku bilowday Camaliyad Istish-haadi ah oo ka dhacday bartanka xerada, ka dibna waxaa xigay weerar xoog ku gal ah oo Mujaahidiintu ku Iqtixaameen difaacyada Murtadiinta.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in camaliyadda ka dib ay ciidamada Mujaahidiinta dhowr jiha ka soo weerareen xerada, islamarkaana halkaas lagu xasuuqay Maleeshiyaatkii murtadiinta ee ka bad-baaday qaraxa.
Dagaal faraha la isula tagay ka dib, Waxaa ciidamada Mujaahidiinta u suuragashay in ay cagta mariyaan maleeshiyaatkii murtadiinta ee ku sugnaa saldhigga, Iyadoo halkaas ku burburiyey xerada, sidoo kalena xasuuqay murtadiinta.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa sidoo kale cagta mariyey tiro maleeshiyaat ah oo iyagana ku sugnaa saldhigga magaalada iyo xarunta degmada sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiisha Mujaahidiinta taas oo ugu dambeyntii Mujaahidiinta u suuragelisay in ay si buuxda ula wareegaan magaalada.
Inkastoo weerarku uu dhacay goordhow, hadana qasaaraha hordhaca ah ee aan heleyno ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay in ka badan 30 askari oo ka tirsan Murtadiinta, tiro intaas ka badana lagu dhaawacay, Waxaase suuragal ah in qasaaruhu intaas ka sii bato.
Halkan Ka Dhageyso Xogta Laga Helayo Dagaalka Beled-xaawo.
Calamada.com
allahu akbar walillahilxamdu cadowga allahajabiyo mujahidintana gul allahasiyo
allaahuma takhabal shuhadaa anaa