Maleeshiyaat daacad ah u R/wasaaraha Dowlada Murtad Xasan Cali Kheyre ayaa xabsiga dhigay Gudoomiyihii Maamulka degmada Xamarweyne Murtadka lagu magacaabo Cumar Shariif Maye.
Xariga Murtadkan ayaa yimid kadib markii la baahiyey cod sir ah oo laga soo duubay xilli uu si kulul u dhaleeceynayey Xakuumadda ridada iyo maleeshiyaatka murtadiinta gaar ahaan waxa loogu yeero ciidamada police-ka.
Cumar Shariif ayaa Kherlaawe iyo golahiisa Waziirada ku tilmaamay Xukuumadii ugu musuq maasuqa Badneed marka laga hadlayo isbadaladii kala duwanaa ee ay soo martay Kooxda Ridada Somalia.
Sidoo kale Gudoomiyahii Murtadiinta ee degmada Xamarweyne ee Xabsiga la dhigay ayaa si kulul u weeraray Maleeshiyaatka Booliska Kooxda Ridada waxa uuna ku tilmaamay saraakiisha iyo maleeshiyaatka kuwa gabi ahaantooda mooryaan ah oo aanan lahayn nidaam iyo kala dambeyn.
Kooxda Ridada Somalia ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay in mar walbo dhexdooda is khilaafaan iyadoona horay Kheyrlaawe uu xilalkii ay hayeen ka qaaday xubno ka tirsan Kooxda Ridada Somalia kadib markii weerar afka ay ku qaadeen isaga iyo xukuumadiisa.
Halkan Ka Dhageyso Warbixinta Oo Dhameystiran.