Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Jabhada Mujaahidiinta Wilaayada Gedo ayaa weerar saf ballaaran ah ku qaaday magaalada Ceel-Waaq ee gobalka gedo.
Magaalada oo xad beenaad la leh dhulka Soomaalida ee Kenya ay gumaysato ayaa waxaa farisiimo ciidan ku leh maleeshiyadka Murtadiinta ee maamulka Ashahaado la diriirka Jubbaland isku magacaabay.
Dagaalkan markii muddo kooban socday kadib ayay fagaaraha dagaalka cagta ka fureen maleeshiyadka Murtadiinta waxaana Mujaahidiinta uu Allaah u suuro galiyay in si buuxda Gacanta ugu dhigan guud ahaan magaalada Ceelwaaq.
Saraakiisha ciidanka Mujaahidiinta ayaa Idaacada Islaamiga Andalus uu sheegay in maleeshiyadka oo maanka ku haya wixii dhawaan ku qabsaday Saaxiibadood Beled-xaawo aysan dagaal sidaas uu si weyn Mujaahidiinta la galin.
Ciidamada Mujaahidiinta ayaa markii ay gacanta ku dhigeen magaalada Ceel-Waaq waxeey isugu fidiyeen guud ahaan magaalada iyagoona bilaabay inay baaritaan ku sameeyn goobahii ay Murtadinta ka degenaayeen magaalada.
Baaritaanadasi dheer kadib Mujaahidiinta waxeey qarax ku burburiyeen saldhigii maleeshiyaatka Murtadiinta ay ku lahayeen magaalada ceel-waaq iyo xabasi ay dadka ku xiri jireen maleeshiyadka Murtadiinta inkasto ilaa iyo hadda naloo sheegin wax Maxaabiis ah oo halkaasi laga siidaayay.
Arinta xiisaha badan ee Ceel-Waaq maanta ka dhacday ayaa ahayd in ciidanka Mujaahidiinta ay dadka shacabka Muslimiinta ay u qaybiyeen raashiin maleeshiyaatka Murtadiinta hey,ad u keentay kuna kaydsanaa bakhaaro waaweyn.
Raashinkan ayaa isugu jiray Bur,Bariis,Saliid iyo waxyaabo macmacaan ah oo ay ka mid yihiin Buskud iyo Loos waxaana ka faa,iidaystay qoysas aad u farabadan oo danyar ah.
Mujaahidiinta dhankooda waxeey soo qaniimaysteen kaydkii rasaasta waxaana sido kale ay horey u soo kaxeeysteen gaari nooca raaxada ah gaar ahaan kan soomaalidu u taqaano Noohada sido kale saraakiisha Mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay inay dab soo qabadsiiyeen gaari uu lahaa nin Murtad ah oo uu uga cararay gurigiisa.
Weerarkan ayaa imaanaya xilli maalintii shalay ciidamada itoobiyanka ah ee ku sugan magaalada Doolow ay u yeereen Murtadka sheegta inuu yahay madaxweynaha maamulka Asha haado la diriirka Jubbaland ee Axmed Madoobe si ay wax uga weydiyaan sababta ay Mujaahidiinta ugu sahlanaatay inay xasuuqaan inka badan 40 askari hub iyo gaadiid dagaalna gacanta ku dhigaan kadib dagaalkii ka dhacay Talaadadii la soo dhaafay magaalada Beled-Xaawo.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Weerarkii Ceelwaaq.
FG-ah Xuquuqda Qoraalka Iyo Maqalka Warbixinta Waxaa Iska Leh Idaacada Andalus.
Calamada.com
sawiro ganimadi cel waq balad xawo kalabayrka