Fagaare kuyaal magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud waxaa maanta gelinkii dambe ka dhacay xukun dil ah oo lagu fuliyay kooxo jawaasiis ah oo u shaqeynayay taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika (AFRICOM).
Ragga ladilay ayaa dhammaantood ku lug lahaaday falal shirqool ah oo ka dhan ah dagaalyahanada Shabaabul Mujaahidiin.
Qaadiga maxkamadda wilaayada islaamiga Galguduud ayaa fagaarihii dilku ka dhacayay ku faah faahiyay shirqoollada ay ku lahaadeen raggan jawaasiista ah iyagoona fududeeyay duqeymo diyaaradaha Mareykanka ay ka geysteen Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
1-Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 sana jir ah ayaa lagu helay in uu indho u ahaa diyaaradaha Drone-ka Mareykanka waxaana shaqaalaysiiyay maamulka Koonfur galbeed.
2-Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 sana jir ah wuxuu mas’uul ka ahaa duqeymo ay fuliyeen diyaardaha Mareykanka.
3-Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 sana jir ah wuxuu ubasaasayay Mareykanka waxaana shaqa geliyay maamulka Hirshabelle.