Wararka ka imaanaya degmada Berbera ee waqooyiga Soomaaliya, ayaa sheegaya in xeebta Batalaale ee magaaladaasi ay ku geeriyoodeen laba wiil oo dhalinaro ah.
Dhacdadan keentay dhimashada labadan xubnood ee dhalinyarada ah ayaa timid markii ay baddu liqday, sida ay soo wariyeen dadka deegaanka.
Warbaahinta deegaankaasi ka howlgasha, waxay sheegtay in wiilasha dhalinyarada ah oo ka yimid dhanka magaalada Hargaysa ee ku dhintay xeebaha Berbera lagu kala magacaabi jiray Maxamuud Qoor-seef iyo Cabdiraxmaan Janaale.
Qof 3-aad ayaa lasoo wariyay in uu ka badbaaday dhacdada shilka ah ee laga soo tabiyay biyaha badda ee Berbera, kaasi oo lasoo wariyay in ay hadda wanaagsan tahay xaaladdiisa caafimaad.
Sannadkii hore ee 2023-kii ayay ahayd markii sidan oo kale biyaha badda ee magaalada Berbera ay ku dhinteen laba wiil oo da’yar, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Gabiley.