Wararka ka imaanaya dalka Ingiriiska waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah magaalada caasimadda u ah dalkaasi ee London lagu dilay dhalinyaro Soomaali ah.
Falka dilka ah waxaa loo geystay Labo wiil dhalinyaro Somali ah,iyadoona sidoo kale la dhaawacay hal wiil,waxaana dilalkan geystay dad ku hubeysan Mindiyo.
Saraakiil u hadashay dowlada Saliibiyadda Ingiriiska waxey sheegeen in dilalkan ay geysteen Kooxo Burcad Madow ah kuwaasi oo la xaqiijiyay in xilliga ay dilalkan geysanayeen ay gaari la socdeen.
Dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan magaalada London iyo guud ahaan gobalada dalkaasi ayaa si aad ah uga carooday dilalkan saacadihii u dambeeyay loo gestay dhalinyaradaasi Soomaalida ah.
Mid ka mid ah Labada wiil ee lagu dilay magaalada London ayaa sidoo kale waxaa wiil la dhashay muddo Afar Bilood ka hor lagu dilay isla magaalada London,waxeyna tani muujineysaa dhibaatada adag ee xilligaan heysato Somalida ku dhaqan dalkaasi.
Dalalka Konfur Afrika iyo Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah loogu dhibaateeyo dadka Soomaaliyeed ee u cararay Wadamada dibadda.
Calamada.com