Caawa oo ah habeen Talaado ah waa kowda bisha barakaysan ee Ramadaan, Bahda mareegta islaamiga ee calamada waxay dhammaan akhristeyaasheeda iyo guud ahaan umada muslimiinta ah u diraysaa hambalyada bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, oo Allaah mahaddiis caawa si rasmi ah inoogu billaabmatay.
Bishan barakaysan ee Ramadaan waa bishii khayrka iyo cibaadaadka, waa bishii Qur’aanka, waa bishii Jihaadka iyo futaaxaadka, waana bishii cibaadaadka ay aadka u badin jireen muslimiinta, sidaas darteed waxaa muhiim ah inaan ka faa’ideysanno khayrka ka buuxa bishan oo aynu si wacan uga faa’idaysanno fursaddaan naadirka ee sannadkiiba mar soo marta muslimiinta.
Curashada bisha barakaysan ee Ramadaan aawadeed, waxaan akhristeyaasheenna ogaysiinaynaa inaanu si maalinle ah ugu soo gudbin doonno laba kitaab oo kala ah (أخلاق العلماء) oo ah darsi muhiim ah oo uu inoo akhrin doono Sheikh Cazaam Abuu Yaxye oo ka mid ah culimada diinta islaamka iyo kitaabka kale ee (الدفاع عن اراضي المسلمين) oo ah kitaab uu allifay Sheekheennii mujaahidka ee Cabdullaahi Cazzaam Allaah haka aqbalee, waxaa kitaabkan lahjadda Mayga inoogu akhrin doono Sheekh Maxamed Garaar oo ka mid ah culimada diinta islaamka.