Maqaalkan kooban waxaan ugu tala galay inaan ku eego arrin muhim ah oo in la baraarujiyo mudan kadibna ay tahay inuu qof walba daawo u helo arrimaha aan kusoo bandhigi doono gunta qormadaydan.
Annagu waxaan nahay ummad jirta oo muslim ah islamarkaana lagu magacaabo Soomaali, waxaanu leenahay taariikh soo jireen ah oo fac weyn. Waxa kaloo aan leenahay taariikh halgan iyo damiir gumeysi nacayb ah oo ay dad yowga dunida innagu yaqaanaan.
Haddaba iyadoo aanu sidaa nahay ayaa waxaa casrigan aynu joogno muuqanaya in aan dhiman ka noqonay labada sifo ee ugu muhiimsan ee aanu ku asteysannahay oo ah (Muslinnimada iyo Soomaalinimada).
MUSLIMNIMADA
Ummad walba waxay ku dhaqantaa mabda’a diineed ee ay ku suntan tahay, walibana hadduu qofku islaam yahay wuxuu u hogaansan yahay Allaah subxaanahu watacaa (waa adoon) Waxaa saaran waajibaad ay tahay inuu la yimaado iyo muxarramaad ay tahay inuu ka fogaado. Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu na amray inaan ku dhaqanno shareecadiisa islamarkaana aanan raacin hawada kuwa aanan garashada lahayn oo ah gaalada.
ثُمَّ جَعَلْنَاكَ عَلَىٰ شَرِيعَةٍ مِّنَ الْأَمْرِ فَاتَّبِعْهَا وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَ الَّذِينَ لَا يَعْلَمُونَ
Halkii ay ahayd inaanu dhaqan galino amarka Allaah, dhab ahaantii waan ka weecanay waxaana raacnay hawada kuwa aanan waxba garanayn oo ah gaalada. Waxaa maanta dalka ka jira dastuur ay shisheeye qoreen kitaabkii Qur’aankana waa la iska illaaway.
Maalin walba waxaan warbaahinta ka maqalnaa iyadoo ay xildhibaanada iyo siyaasiyiintu isku eedeynayaa in la jabiyay dastuurka, marnaba ma arkeysid qof oranaya waxaa la jabiyay aayad ama xadiith.
Halkaas waxaan ka noqonay dhiman si guud ahaaneed, ma dafirayo iney jiraan dad dhiigooda u huraya sidii Kitaabka Qur’aanka loogu dhaqmi lahaa iyo in badan oo taageersan, balse waxa aan cabirayaahi waa ummad ahaan.
Qodobka kale wuxuu yahay: Mar haddii uu qofku Muslim yahay waxaa laga reebay inuu saaxiib ka dhigto cadawga Allaah amaba uu lasoo safto isagoo ku marmarsiyoonaya waxa maanta jira oo ah “dowlad bey noo dhisayaan iyo wey na caawinayaan”
Haddaba sida ugu fudud uguna cad ee uu qof walbaahi wax ku garan garo ayuu Allaah inooga xaaraantinimeeyay arrintaas.
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا بِطَانَةً مِّن دُونِكُمْ لَا يَأْلُونَكُمْ خَبَالًا وَدُّوا مَا عَنِتُّمْ قَدْ بَدَتِ الْبَغْضَاءُ مِنْ أَفْوَاهِهِمْ وَمَا تُخْفِي صُدُورُهُمْ أَكْبَرُ ۚ قَدْ بَيَّنَّا لَكُمُ الْآيَاتِ ۖ إِن كُنتُمْ تَعْقِلُونَ (118) هَا أَنتُمْ أُولَاءِ تُحِبُّونَهُمْ وَلَا يُحِبُّونَكُمْ وَتُؤْمِنُونَ بِالْكِتَابِ كُلِّهِ وَإِذَا لَقُوكُمْ قَالُوا آمَنَّا وَإِذَا خَلَوْا عَضُّوا عَلَيْكُمُ الْأَنَامِلَ مِنَ الْغَيْظِ ۚ قُلْ مُوتُوا بِغَيْظِكُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ (119) إِن تَمْسَسْكُمْ حَسَنَةٌ تَسُؤْهُمْ وَإِن تُصِبْكُمْ سَيِّئَةٌ يَفْرَحُوا بِهَا ۖ وَإِن تَصْبِرُوا وَتَتَّقُوا لَا يَضُرُّكُمْ كَيْدُهُمْ شَيْئًا ۗ إِنَّ اللَّهَ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطٌ.
Tafsiirka sadaxada aayadood:
Kuwa (Xaqa) rumeeyow ha ka yeelanina Saaxiib (Hoose) wax idinka soo hadhay, kuma gabood falaan Fasaadintiinna waxayna Jecelyihiin dhibkiinna, waxay ka muuqataa Caradu Afkooda, waxay qarsan Laabahoodu ayaase ka weyn, waan idiin Caddaynay Aayaadka haddaad wax kasaysaan.
( 119 ) Idinkani waad Jeceshihiin Iyaguna idinma jeela, waxaadna rumeysaan Kitaabka dhammaantiis, hadday idin la kulmaanna waxay dhahaan waannu rumeynay Hadday kaliyoobaanna waxay idiin Qaniinaan Xubnaha (Faraha) Cadho darteed, waxaad dhahdaa ku dhinta Caradiinna, Allaahna waa ogyahay waxa Laabta ku sugan.
( 120 ) hadday idin taabato Wanaag way Xumeysaa, hadday idinku dhacdo Xumaanna way ku Farxaan, haddaad Samirtaan ood Dhawrsataan idinkama dhibayso Dhagartoodu waxba, Allaahna waxay Camal fali wuu Koobay.
Iyadoo uu Allaah sidaa inoogu cadeeyay halka aan gaalada ka istaageeno ayaan maanta waxaan ku bedelnay inaan niraahno walaalaheen innagoo ku darsanay inaan dagaalka la galno oo aan qaarkeenna afka ku taageerno. Allaahna wuxuu yiri:
يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا الْيَهُودَ وَالنَّصَارَىٰ أَوْلِيَاءَ ۘ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمْ فَإِنَّهُ مِنْهُمْ ۗ إِنَّ اللَّهَ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ
Tafsiirka aayadda:
Kuwa Xaqa Rumeeyow ha ka yeelanina Yuhuud iyo Nasaara Sokeeye, Qaarkood waa Sokeeyaha Qaarka (Kale) Ciddii ka sokeeya Yeelata oo idinka Mid ah wuxuue ka mid yahay Iyaga, Allaahna ma Hanuuniyo Qoomka Daalimiinta ah.
Haddaba waxaa la jiiray axkaamtaas cadcad, waxaana halkaasi inooga jira naqsi ama dhiman aad u weyn si guud ahaaneed, dabcan si gaar ahaaneed ummadu uma taageersano gaalo laakin waxaan sheeda ka daawanaynaa gaalada iyo kuwa la socda oo ay ahayd inaan iska dhicino sida diintu na farayso.
Haddaba halkaasna waxaad ka dheehan kartaa naqsiga inooga jira!
SOOMAALINIMADA.
Soomaalidu aad ayay ugu faani jirtay ummadnimadeeda, qarannimadeeda iyo gobnimadeeda sida laga dheehan karayo taariikhda iyo suugaanta, waxaana inooga filan halka tusaale ee soo socda:
Soomaliyeey Toosoo
Toosoo isku tiirsada eey
Hadba kiina taag daraneey
Taageera weligiineey.
Sharcigay isku kiin tolayoo
Luuqadaa tu waaxid ahoo
Arligiina taaka ahoo
Kuma kala tegeysaanee.
Halkaas baa laga taagnaa wadaniyadda, taa badalkeedana waxaan maanta aragnaa in dalka ay ka dhismeen maamullo iyo madaxweynayaal badan oo u tartamaya cadawgii ummada ee Itoobiya, waxaan aragnaa maamullo ku hanjabaya Soomaaliya waan ka go’eynaa iyo kuwa dhabbahooda haya oo qabiil ka jeclaaday Qarannimadii.
Haddaba miyaanan halkaasna dhiman ka ahayn Soomaaliyey?
Ugu dambeyntii anigu ka qoraa ahaan kuma baaqayo wadaniyad, waayo Allaah wuxuu muslimiinta ku tilmaamay ummada qura, wuxuu ku asteeyay walaalo, Nabiga wsc wuxuu isna inoo sheegay in ay jir qura yihiin, sidaa darted walaalayaal waxaa ina deeqa inaan diinteena ku dhaqanno oo aan ka difaacanno cadawga hororka ku ah.
Walaalayaal waa inaan mar walba xusuusnaanaa inaan safar u nahay aakhiro, marki halkaa la tagana uu camalku go’ayo booskiisa ay xisaabi galeyso, walaalayaalow maanta ayaa la shaqeysan karayaa ee aan fursadda ka faa’iideysanno, xaqa aan ka fiirino kitaabkeena, markaasaa waxaan noqoneynaa ummad jirta.
Nabiga scw wuxuu inoo sheegay in Kitaabkan qolo kor loogu qaadayo, qolana hoos loogu dhigayo, walaalayaal yaanan noqon qolada hoos loo dhigo ee uu Allaah noco kana bedel qaato.
WABILLAAHI TOWFIIQ.
Qore: Warfaa Kheyroon