Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ku halaagsamay Generaalkii ashahaada la dirirka ahaa ee la oran jiray Maxamuud Geelle Yuusuf, kaas oo xilal badan kasoo qabtay dowladdii millatariga ee uu hoggaanka u hayay Maxamed Siyaad Barre.
Masuuliyiin saee oo ka tirsan kooxda Riddada Somalia oo uu ka mid yahay murtad Gurguurte ayaa xaqiijiyay geerida Generaalkan, oo dowladdii shuuciyadda ahayd ee Maxamed Siyaadda Barre ugu magacownaa maxkamaddii caanka ku ahayd gumaadka umadda Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, waxay saraakiisha Riddadu ninkan ku tilmaameen in uu ahaa mid usoo shaqeeyay dalkiisa, iyagoo iska indha tiray taariikhda madow iyo godobta aan la illaabi doonin ee uu ka galay umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah.
Sarkaalkan ashahaada la dirirka ah ee magaalada Muqdisho ku halaagsamay ayaa intii u dhaxasay 1972-kii ilaa iyo 1990-kii ku magacownaa guddoomiyaha maxkamaddii dowladdii Shuuciyadda, waxaana lagu xusuustaa dilalkii ka dhanka ahaa haldoorka umadda, sida dilal wadareedyadii uu ku xukumay culimada Soomaaliyeed ee muslimiinta ah, kuwaas oo ka dhiidhiyay gaalnimada uu xilligaas la yimid murtad Maxamed Siyaad Barre iyo kooxdiisa.
Dilalkii ugu badnaa ayaa dhacay intii uu xukunka maxkamadda daaquudka u hayay taliskii Siyaad Bare Generaalkan halaagsamay, waxaana markii uu halaagsamay kaddib uu waayay cid usoo tacsiyadaysa marka laga reebo dullaaliinta hadda haya booskii uu ka halaagsamay ee uu kusoo daadiyay dhiigga cilimada, waxaana xitaa inay u tacsiyadeeyaan ka yaqyaqsooday kuwii dad ugu dhawaa ee ehelladiisa ah, sida la isla dhexmarayo baraha bulshada, waana masiirka ay kusoo dhamaan doonto taariikhda, qof walba oo godob ka galay umadda muslimka ah, gaar ahaan culimada oo ah dhaxalka Anbiyada.