Dadka uu soo ritay caabuqa Carona Virus ayaa ku dhow 2 malyuun oo ruux caalami ahaan halka dhimashadu ay ka badan tahay 175 kun oo qof sida lagu sheegay tirakoob caafimaad ee shalay soo baxay.
iyadoo cudurku uu sidaas caalamka ugu faafayo ayay qaar badan oo kamid ah dowladaha reergalbeedka qaadeen tallaabooyin ay ku khafiifanayaan bandawgii bilaha qaatay ee ka dhashay caabuq Covid19.
Guddiga caafimaadka Mareykanka ee qaabilsan latacaalidda Carona waxay sheegeen in shalay oo kaliya ay dhinteen 2700 oo qof islamarkaana ay bukaanno noqdeen dad gaaraya 1710 ruux, tirada guud ee dadka Carona ugu dhintay mareykanka waxay gaartay 46,785 kun oo ruux iyadoona 800 boqol oo kun oo ruux ay laxanuunsanyihiin cudurka taas oo ka dhigan in mareykanku yahay dalka ugu dhimashada iyo bukaanada badan caalamka.
Dhanka wadanka Talyaaniga shalay waxaa dhintay dad gaaraya 534 ruux taas oo tirada dhimashada guud ka dhigaysa 24,648 ruux, faransiiska shalay wasaaaradda caafimaadka waxay diiwan gelisay dhimashada 531 ruux halka tirada guud ee dhimashada carona ay gaartay 20,799 ruux.
wadanka ingiriiska dhimashada guud waxay gaartay 18,100 ruux walina waxaa jirta cabsi laga qabo in cudurkani uu dad badan laayo.