Dhul gariir aad u xoogan ayaa ku dhuftay xadka ay wadaagaan dalalka Ciraaq iyo Iiraan,iyadoona dhul gariirkan uu sababay khasaara culus oo isugu jirta Naf iyo Maal.
Dhul gariirkan oo cabirkiisa lagu sheegay 7.3 ayaa ku dhuftay xadka labada dal sida Kermanshah ee galbeedka dalka Iiraan,waxa uu dhul gariirkan saameeyay dalalka Kuweyt,Turkiga iyo dalal kale oo diris la ah.
Saraakiil u kala hadlay dowladaha Ciraaq iyo Iiraan ayaa sheegay in dhul gariirkaasi uu geystay khasaara nafeet oo aad u culus sidoo kale waxa uu burburiyay dhismooyin kala duwan oo ku yaala xadka labadaasi dal.
Inta la xaqiijiyay dhul gariiskaasi waxaa ku dhintay dadk kor u dhaafaya (210) Labo Boqol Iyo Toban Ruux,dhaawaca ayaa kor u dhaafaya (2500) Labo Kun Iyo Shan Boqol oo ruux kuwaasi oo badankoodu dhaawacyadoodu culusyihiin.
Wararkii ugu dambeeyay waxey sheegayaan in dhul gariirkan oo saameeyay wadamo badan oo daris la ah labada dal ee Xadkooda uu ku dhuftay dhul gariirka ay suura gal ah tahay in marba marka ka dambeyso khasaaraha uu sii kordha.
Calamada.com