Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somaliya ayaa sheegaya in mid ka mid ah degmooyinka shisheeyaha duulaanka kaga suganyihiin gobalkaasi uu ka dhacay dibad bax xoogan oo looga soo horjeeda ciidamada dowlada Ridada Jabuuti oo duulaan ku jooga qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Dibad baxa waxa uu ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan’iyadoona dibad baxa uu socday muddo saacada ah kaasi oo ay dhigayeen shacabka ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.
Dadka ayaa ku dhaawaqayay erayo ka dhan ah ciidamada Ridada Jabuuti’iyagoona Taayeero ku gubay wadooyinka degmada islamarkaana hakad galiyay dhaqdhaqaaqii ganacsiga ee suuqa degmadaasi.
Dadkan ayaa ka cabanaya dhibaatooyin joogta ah oo ay kala kulmaan ciidamada Jabuuti ee duulaanka ku jooga degmadaasi taasi oo ay u dambeysay wiil dhalin yaro ah oo ka mid ah dadka ugaarta ka ganacsada oo saddex maalin ka hor ciidamada Jabuuti si bareer ah ugu dileen gudaha degmadaasi.
Calamada.com