Boqolaal shacab ah oo aad u careysay ayaa isugu soo baxay magaalada Doolo Cadde iyagoo ka canabanay dhibaatooyin ay kula keceen xunbaha maamulka Xabashida Itoobiya ugu magacaaban magaalada, balse maleeshiyaatka Liyuu Booliska ayaa dadkaas rasaas nool-nool ooda kaga qaaday, halaas oo ay ka dhasheen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Maleeshiyaatka Ashadaado la dirirka ah ee maamulka Ridada ah ee uu hogaamiyo Cabdi Ileey ayaa toogasho ku dilay 3 qof oo ka mid ahaa dadkii ku banaanbaxayay magalada Dpolla Cadde ee ee dhulka Soomaali-Galeed. halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.
Sawiro laga soo qaaday maydadka saddexdaan qof ayaa lagu faafiyay baraha internetka ee ay bulshadu ku wada xiriirto iyo warbaahinta sida gaarka ah loo heelayay.
Dhimashada Saddex-da ruux ayaa 23 qof ka dhigaysa dadka ay maleeshiyaatkaasi dileen tan iyo markii ay mudaharadayadan bilaawdeen muddo hal bil kahor, sida ay sheegayaan dadka wax ka qora arimaha somalida ku nool dhulka ay itoobiyanku xooga ku heestaan
In kabadan 150 oday dhaqameed oo kasoo jeeda dhulka Soomaalida ee ay Itoobiyaanku gumaystaan ayaa la sheegay inay aadeen Magaalada Adis Ababa si ay dacwad ka dhan ah Cabdi Ileey ugu gudbiyaan ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobia Abeey Axmad.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare usii kacayay banaanbaxyada looga soo horjeedo maamulka ridada ah ee ay Itoobiyaanku ka dhiseen dhulka Soomaali-Galbeed ee mudada dheer ku jira gumaysiga Itoobiya.
Dadaka Soomaalida ah ee ku dhaqan Soomaali-Galbeed ayaa banaanbaxyo xooggan ka dhigay magaalooyin waaweyn oo ay kamid yihiin Shiniile, Qabri-Dahare iyo Diridhabe, kuwaas oo looga soo horjeedo maamulka Murtad Cabdi Ileey ee dhibaayada ku haya dadka Muslimiinta Soomaalida ah.