Bannaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan dhalinyarada ardayda ah ee kasoo jeeda qowmiyadda Axmaarada ayaa ka socda magaalooyin ka tirsan waddanka Itoobiya, kuwaas oo lagu taageerayo xasuuqa ay ciidamada Axmaarada ka wadaan gobolka ay muslimiintu leeyihiin ee Oromiya.
Bannaanbaxyadan oo ka qayb qaadanayeen dhalinyaro badan oo ka mida kuwa wax ka dhigta jaamicadaha kala duwan ee dalka Itobiya, ayaa si wayn loogu taageeray xasuuqa waxshiga ah ee ay maleeshiyaadka Faano ee Axmaarada ah ku hayaan muslimiinta gobolka Oromiya, halka dhinaca kale bannaanbaxyo kuwan la mida oo liddi ku ah xasuuqa maleshiyada Axmaarada ay ka socdaan magaalooyinka gobolka Oromiya.
Iyagoo kor u qaadaya magaca Faano ayay dhalinyarada Axmaarada isugu soo baxeen waddooyinka wawayn,si ay u muujiyaan taageeradooda ku aadan maleeshiyaadkooda axmaarada ee xasuuqaya muslimiinta.
Dhinaca kale malaayiin Oromo ah oo ku dhaqan gobollada kala duwan ee Itoobiya ayaa bannaanbaxyo kala duwan ka wada magaalooyinka, kuwaas oo looga dhiidhinayo xasuuqa ka dhanka ah muslimiinta.
Mudaaharaadyada ugu xooggan waxay ka dhaceen iskuulaadka iyo jaamicadaha gobolka Axmaarada waxayna dadku ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah xasuuqa ka dhanka ah Oromada iyo maleeshiyaadka Faano.
Dibadbaxyadan iska soo horjeeda ee ka dhacay gobollada kala duwan ee waddanka Itoobiya ayaa kusoo beegmaya, xilli inta lagu guda jiro toddobaadkan lasoo wariyay xasuuq bahalnimo ah oo gobolka Oromia loogu gaystay boqollaal muslimiin ah, xasuuqaas oo ay ku kaceen maleeshiyaadka Axmaarada ee loo yaqaan Faano oo taageero ka helaya maamulka gobolka Axmaarada ee dowladda Itoobiya.