Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in qaraxyo iyo dilal lala beegsaday saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada federaalka ay ka kala dhaceen degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalkaasi.
Weerarka kowaad waxa uu ka dhacay wadada isku xirta degmada Mahadaay iyo deegaanka Ceelbaraf ee gobalka Shabeelada dhexe’waxaa weerarkaasi lagu dilay askari ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Askariga la dilay oo la socday Moota waxa uu kasoo baxay degmada Mahadaay kaasi oo kusii jeeday dhanka deegaanka Ceelbaraf’waxeyna dadka deegaanka xaqiijiyeen in meydka askariga ay ku arkeen goobta weerarka uu ka dhacay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gacanta ku dhigeen qorigii askariga uu watay iyo sidoo kale Mootadii uu la socday askarigaasi.
Dhanka kale waxaa habeenkii xalay Bam gacmeed lagu tuuray xarunta Nabadsugida dowlada federaalka ee degmada Jowhar kaasi bamka uu ku qarxay gudaha xaruntaasi’lamana xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay Bamkaasi.
Calamada.com