Dil qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Biyo Cadde oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeelada dhexe.
Dilkan waxaa loo geystay askari ka tirsan dowlada Ridada,iyadoo faahfaahin laga helayo dilka loo geystay askarigaasi.
Dadka deegaanka Biyo Cadde waxey sheegeen in askariga la dilay uu ahaa mid si aad ah u dhibay shacabka ku dhaqan deegaanka,raggii dilka geystay oo ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa si nabad ah kaga dhaqaaqay goobta ay askariga ku dileen.
Dilkan waxa uu kusoo aadayaa xilli sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay askari ka tirsan Dowladda Farmaajo lagu dilay bartamaha degmada Baardheere ee gobalka Gedo kaasi oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka qaateen Qorigii uu ku hubeysnaay.
Calamada.com