Wararka ka imaanaya magaalada Mandheere oo ka mid ah dhulka Kenya ay Xooga kaga heysata Somaliya waxey sheegayaan in deegaan hoostaga magaaladaasi ay ka dhaceen dilal qorsheysan.
Dilalkan waxaa loo geystay Mucalimiin Saliibiyiin Kenyaati ah,iyadoo dilalkan ay sigaar ah kaga dhaceen deegaanka Carabiyah ee duleedka magaalada Mandheere.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in mid kamida iskuullada Waxbarashada deegaanka Carabiya rag hubeysan ay gudaha u galeen kadibna ay halkaas ku dileen Labo kamid ah Macallimiinta dowladda Kenya ee Kirishtaanka ah.
Mas’uuliyadda dilkan waxaa sheegtay Xarakada Mujaahdiinta Alshabaab,waxa uu dilkan kusoo aadayaa xilli Shabaabul Mujaahidiin ay sii kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan gudaha dalka Kenya.
Calamada.com