Rag hubeysan ayaa gudaha iyo Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ku dilay xubno ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Dilka kowaad waxa uu ka dhacay isgoyska Suuqa Bakaaraha kaasi oo lagu dilay askari ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada ee madaxweynaha uu ka yahay Farmaajo.
Goob joogayaal goobta ka agdhawaa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ragga dilka geystay ay horay usii qaateen Qorigii uu ku hubeysnaay askarigaasi.
Dilka Labaad waxa uu ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha kaasi oo lala beegsaday mid ka mid ah Egaradii soo dooratay xildhibaanada dowlada Ridada gaar ahaan qeybta lagu soo doortay degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Ninkan lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa lagu magacaabi jiray Sayid Cali’ ragga dilkan geystay waxey horay u sii qaateen gaari nooca raaxada oo uu lahaa ninkan ay dileen oo ka tirsanaay Ergadii soo dhistay Baarlamaanka Cusub.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.