Rag hubeysan waxey isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ku toogteen sarkaal ka tirsan maamulka dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban gobalka Banaadir.
Sarkaalka la dilay oo ahaa gudoomiye Waaxeed ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Mucalim Taakow oo ku magacdheeraa Mucalim Shabeelow.
Sidoo kale Rag hubeysan waxey deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho ku dileen mid ka mid ah ergooyinkii soo dhisay xildhibaanadii lagu soo doortay degmda Cadaado ee bartamaha dalka Somaliya.
Odaygan lagu dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Kabo weyne’waxa uu dilkiis imaanayaa xilli Labaatanmeeyo ka mid ah ergadii soo dooratay xildhibaanada cusub ee dowlada Ridada federaalka lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.