Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa dilal kala duwan ka fulay xaafado ka tirsan magaaladan Muqdisho.
Dilalkan waxey Shabaabul Mujaahidiin u geysteen Xubno kala duwan oo ka tirsan dowladda Ridada kuwaasi oo dilalkooda Faahfaahin laga helayo.
Howlgalka hore oo lagu dilay Labo askari oo ka tirsan dowladda Federaalka ayeey ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen isgoyska Black-sea ee degmada Hodan waxeyna ciidamada Mujaahidiinta horay usii qaateen Labadii qori ee ay ku hubeysnaayeen askarta ay dileen.
Howlgalka Labaad waxey ciidamada Mujaahidiinta ka fuliyeen degmada Waabari waxeyna ku dileen Cadow Abuubakar kaasi oo ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada soo dhisay gaar ahaan kuwa laga soo doortay dhanka magaalada Baydhabo ee Gobalka Baay.
Calamada.com