Rag hubeysan waxey duleedka magaalada Muqdisho ku dileen Labo xubnood oo mid ka mid ah uu ahaa odayaashii soo dhisay xildhibaanada cusub gaar ahaan qeybta lagu soo doortay degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Dilalkan waxey si gaar ah kaga dhaceen deegaanka Weydow oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Labadan mid ka mid ah waxaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Muxamed kaasi oo ka mid ahaa ergooyinka soo dhisay xildhibaanada’waxeyna warar hoose sheegayaan in ninka labaad istaaf u ahaa Ergayga la dilay.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.