Dilal qorshaysan ayaa wali si xowlli ah uga socda degmooyinka gobolka Banaadir xilli uu ammaanka magaalada caasimadda ah faraha kasii baxayo.
12-kii saacadood ee lasoo dhaafay gudaha magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin iyo oday dhaqameed ka qeyb qaatay soo xulidda xildhibaanada Baarlamaanka.
Xalay fiidkii ayay xoogag hubeysan degmada Dharkeynleey ku dileen Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Xasan Gaadaay oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka Koonfur galbeed.
Sidoo kale guddoomiye waaxeed katirsan maamulka degmada Howlwadaag ayaa lagu khaarijiyay xaafadda Shanta Geed ee magaalada, goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagii weerarka geystay ay si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen goobta.
Dilalkaan waxay imaanayaan xilli waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ay xireen maleeshiyaadka DF-ka ee loogu yeero xasilinta caasimadda waxaana muuqata in kadeedka lageliyay shacabka uusan waxba ka tarin sugidda ammaanka.