Ciidamada Difaaca Cirka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa dhulka soo dhigay Diyaarad dagaal oo uu lahaa maamulka Kaabul,iyadoona faahfaahin laga helayo howlgalka Mujaahidiinta ay kusoo rideen diyaaraddaasi.
Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa Lidka diyaaradaha la helayo diyaarad Elecobtar ah oo ay la socdeen saraakiil iyo askar ka tirsan maamuilka Murtad Ashraf Gani,iyadoona diyaaraddan lagu soo riday agagaarka degmada Sayid Abaad ee Wilaayada Meydan Work ee Bartamaha dalka Afghanistan.
Haraadiga Diyaaradda Elecobtarka ah waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan iyadoona gabi ahaan ay halaagsameen xubnihii maamulka Ridada Kaabul ee la socday diyaraddaasi.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa soo bandhigay Haraadiga Diyaaradda ciidamada Mujaahidiinta ay kusoo rideen Bartamnaha Afghanistan waxeyna Diyaaraddan qeyb ka noqneysa Diyaarado Fara badan oo Mamaulka Ridada Kaabul iyo ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka looga soo riday gudaha dalka Afghanistan.
Soo riditaanka diyaaraddan ayaa kusoo aadeysa xilli Jab iyo Fashil Xoogan ay dhex dabaalanayaan Saliibiyiinta ku duushay dalka Afghanistan iyo Murtadiinta Indhaha u ah waxaana xusid mudan in saacadihii lasoo dhaafay gabi ahaan ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ay isaga carareen Wilaayada Farah oo dhacda Galbeedka dalka Afghanistan.