Wararka laga helayo dalka Afghanistan waxey xaqiijinayaan in saacadihii lasoo dhaafay diyaarad nooca dagaalka ah oo ay leedahay dowlada Nasaarada Mareykanka lagu soo riday qeybo ka mid ah Waqooyga dalka Afghanistan.
Diyaarada oo ah nooca Elecobtar-ka ayey ciidamada Difaaca Cirka Imaarada Islaamiga Afghanistan la heleen gantaalada diyaaradaha xilli duqeyn ay ka waday deegaan hoostaga magaalada Qunduuz ee xarunta gobalka Qunduuz oo dhaca dhanka Waqooyi ee dalka Afghanistan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in gabi ahaan diyaarada iyo gantaalada saarnaay ay basbeeleen waxeyna ku burburtay agagaarka deegaanka Teylawaki oo ah deegaanka ay diyaaradu duqeynta ka waday.
Labo maalin ka hor ayeey sidoo kale aheed markii isla duleedka deegaankan lagu soo riday diyaarad Elecobtar ah oo ay leedahay dowlada Nasaarada Mareykanka taasi oo sidoo kale xilligii lasoo ridayay duqeyn ka waday deegaankaasi.
Diyaaradan saacada ka hor lagu soo riday duleedka magaalada Qunduuz ayaa imaaneysa xilli saacadihii lasoo dhaafay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Badda Mareykanka ay kusoo dhacday qeybo ka mid ah dalka Mareykanka waxaana diyaaradaasi ku halaagsamay Lix iyo Toban oo Nasaarada Mareykanka ah.
Calamada.com