Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in qeybo ka mid ah Waqooyga dalkaasi lagu soo riday mid ka mid ah diyaaradaha dowlada Nasaarada Mareykanka.
Ciidamada Difaaca Cirka Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa Gantaal Lidka diyaaradaha ah la helay diyaarad Basaas duuliye la,aan ah oo ay leedahay dowlada Mareykanka.
Diyaaradan ayaa lagu soo riday deegaan lagu magacaabo Khaadhicah oo ah deegaan ay maamulaan Mujaahidiinta,waxa uu deegaankaasi hoostagaa magaalada Qunduuz ee xarunta gobalka Quduuz ee Waqooyga Afghanistan.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa gacanta ku dhigay haraadiga diyaarada,waxeyna warar hoose sheegayaan in diyaaraddan xilliga lasoo ridayay ay ka qeyb qaadaneysay duulaan ciidamada Nasaarada Mareykanka ay kusoo qaadeen deegaan kale oo dhaca duleedka magaalada Qunduuz.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii weerar ka dhacay deegaan ka tirsan gobalka Lowjar ee bartamaha dalka Afghanistan lagu dilay hal askari oo American ah mid kalane lagu dhaawacay.
Calamada.com