Saacadihii lasoo dhaafay waxaa Gantaalo iyo qaraxyo culus lala beegsaday diyaarad iyo gaari nooca gaashaaman ah oo ay la socdeen saraakiil iyo askar ka tirsan dowlada Nasaarada Mareykanka.
Weeraradan culus waxey ka kala dhaceen duleedyada magaalooyinka Bagram iyo Qunduuz oo ka kala tirsan gobalada Barwan iyo Qunduuz oo wada dhaca Waqooyga Afghanistan.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso waxaa gaar gaashaaman oo ay la socdeen askar American ah lagula beegsaday duleedka magaalada Qunduuz ee xarunta gobalka Quduuz halkaasi oo Todobaadkii labaad si xiriir ah kaga socdaan dagaalo aan kala joogsi laheen.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi waxaa lagu burburiyay gaariga Gaashaaman waxaa sidoo kale lagu dilay Toban askari oo Saddex ka mid ah ay tahay American halka tirada soo hartayna ay tahay maleeshiyaatka sida gaarka u tababaran ee maamulka Kaabul.
Dhanka kale ciidamada Difaaca Cirka Imaarada Islamaiga Afghanistan waxey dhulka soo dhigeen oo Gantaal la heleen diyaarad ay la socdeen saraakiil iyo askar American ah.
Diyaaradan xilligii lasoo ridayay waxey ku howlaneed iney ku degto garoonka diyaaradaha Bagram oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Nasaarada Mareykanka ay ka sameysteen gudaha Afghanistan.
War rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada ayaa lagu xaqiijiyay in diyaarada markii Mujaahidiinta ay gantaalka la heleen iyadoo gubaneyso ay ku dhacday gudaha garoonka waxaa sidoo kale gubtay xubnihii Americanka iyo sahaydii ay waday diyaaradaasi.
Calamada.com