Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka dowlada Nasaarada Mareykanka ay ku burburtay qeybo ka mid ah dalkaasi.
Diyaarada oo ah noocyada loo yaqaana Elecobtarka ayaa ku burburtay goob 32-km dhanka Konfureed kaga beegan xeebta dalka Yemen,waxaana la xaqiijiyay in gabi ahaan diyaarada burburtay.
Diyaaradan ayaa xilligii ay burbureysay kasoo dul duushay Markab ciidan,waxaa diyaarada la socday Shan askari oo American waxeyna ku jirtay howlo tababar ah.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Nasaarada Mareykanka ayeey ku xaqiijiyeen burburka diyaarada waxeyna intaasi ku dareen in lasoo badbaadiyay Shantii askari ee la socotay diyaaradaasi.
Calamada.com