Diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda saliiibiyadda Maraykanka ayaa duqaymo wuxuushnimo ah oo ay ka geysteen degmada Galhareeri ee dhacda wilaayada islaamiga Galguduud, ku beegsaday dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Wararka ka imaanaya degmada Galhareeri waxay xaqiijinayaan in duqaymahaas lagu beegsaday dadka rayidka ah ay ku shahiideen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo isugu jira haween, caruur iyo waayeello, mana ahan markii ugu horraysay oo uu Maraykanku dad shacab ah ku laayo degmada Galhareeri.
10-kii Agoosto 2023-kii ayay ahayd markii duqaymo wuxuushnimo ah oo ay gaysteen diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee ay leeyihiin saliibiyiinta Maraykanka ay ku dileen cunug yar oo saddex sano jir ah, halka ay ku dhaawaceen 8 ruux oo kale, kuwaas oo dhammaantood ahaa caruur iyo haween, sidoo kale waxay duqaymahaasi beegsadeen oo ay burburiyeen guryo ay lahaayeen dad shacab ah.