Saacadihii lasoo dhaafay diyaaradaha dagaalka ee dowlada Nasaarada Mareykanka waxey duqeyn arxan daro ah ka geysteen degmo ka tirsan gobalka Helmand ee dalka Afghanistan.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay xaafadaha kala duwan ee degmada Sangin ee gobalka Helmand taasi oo sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad fara badan oo shacab ah.
Inta la xaqiijiyay duqeyntaasi waxaa ku dhimatay 35 ruux oo u badan Haween iyo Caruur’waxaa dhaawacmay 18 ruux oo gabi ahaan ah haween iyo caruur’ sidoo kale waxaa burburay guryo iyo Masaajid ku yaalay magaaladaasi.
Diyaaradaha Mareykanka ee duqeeyay degmada Singin ee gobalka Helmad ayaa ka koobnaay labo nuuc oo kala ahaa Drone iyo sidoo kale nooca loo yaqaana B-52 kuwaasi oo si arxan daro ah u duqeeyay degmadaasi.
Dhawaan ayey aheed markii sidoo kale diyaaradaha dowlada Nasaarada Mareykanka duqeeyeen xaafado ka tirsan gobalka Albeydhaa ee bartamaha dalka Yemen.
Calamada.com