Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn ay diyaarad aan duuliye laheyn dhowr habeen ka hor ay dad shacab ah ugu geysatay deegaan katirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Tooratooroow ayaa sheegaya in ciidanka cirka Mareykanka ay duqeeyeen guri ay deganayeen dad shacab ah oo kuyaal tuulada Kala Go’oow ee Shabeellaha Hoose.
Duqeynta waxaa ku dhintay hal qof shacab ah kaasi oo caan ka ahaa degmada Tooratooroow iyo duleedkeeda, Ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Ibraahim Cabdi Gaab Cismaan oo ahaa dalaal gaadiidka dadweynaha rara.
Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in diyaarad Drone ah ay laba gantaal ku dhufatay Macallim Ibraahim xilli uu ku sugnaa gurigiisa balse Alle mahaddii waxaa badbaaday qoyska intiisa kale balse waxaa jiray burbur gaaray Mooto iyo agab kale oo goobta yiillay.
Dhinaca kale dowladda Mareykanka ayaa sheegatay duqeyntan qofka shacabka ah lagu dilay ee ka dhacday Tooratooroow, war qoraal ah oo kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ku dileen ruux Al Shabaab ah warkaas oo ah mid been ah.
“Diyaaradaha Mareykanka ayaa duqeeyay Ibraahim Cabdi Gaab Cismaan oo ahaa nin caan ka ahaa degmada Tooratooroow, isagoo ku sugan gurigiisa ayaa la duqeeyay wuxuuna ahaa dalaal gaadiidka dadweynaha rara oo dadka dhan ay wada yaqaanaan” ayuu yiri qof deegaanka ah oo warbaahinta lahadlay.
Labadii sano ee lasoo dhaafay dowladda Mareykanka ayaa duqeymo laayaan ah ka geysanaysay gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaana badanaa duqeymahaas lagu beegsadaa dadka shacabka ah.
Gobolka Sh/hoose waa meelaha ugu daran ee diyaaradaha Drone-ka ay shacabka ku duqeeyaan, taliska Africom ayaa duqeymahaas ku sheega in ay ku beegsadaan Al Shabaab iyagoo iska dhega tiraya caddeymaha ka imaanaya dhulka.
Hay’ado reergalbeed ah ayaa warbixinno ay soo saareen sanadkaan gudihiisa waxay kusoo bandhigeen qeyb yar oo kamid ah xasuuqa uu maamulka Trump ku hayo shacabka Soomaaliyeed.