Wararka ka imaanaya gobalka Jubbada hoose waxey sheegayaan in habeenkii xalay diyaaradaha dagaalka dowlada Saliibiyada Mareykanka duqeyman arxan daro ah ka geysteen duleedka degmada Afmadow ee gobalkaasi.
Duqeyntan waxaa ku dhaawacmay Saddex ruux Shacab oo mid haweeney tahay kuwaasi oo dhawaacyadooda ay culusyihiin waxaana loola cararay goobaha caafimaadka.
Dhawaaqa Gantaalada diyaaradaha Mareykanka ay ku garaaceen dadka shacabka ee ku dhaqan duleedka degmada Afmadow ayaa si aad ah looga maqlay degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalkaasi.
Dhawaan ayeey aheed markii diyaaradaha dowlada Saliibiyada Mareykanka dad Beeraley ah ay ku dileen duqeyn ay ka geysteen duleedka deegaanka Daaru-salaam ee gobalka Shabeelada hoose.
Calamada.com